Sucuudiya Iyo Suuriya Oo Soo Celinaya Xidhiidhkoodii

0

 

Suuriya (Arqbsiyo) – Telefeshinka dowladda Sacuudiga, ayaa ku dhawaaqay wada hadalka u dhaxeeya maamulada Riyadh iyo Dimishiq, si dib looggu soo celiyo xidhiidhkii diblomaasiyadeed, iyo in dib loo furo safaaradaha labada dal.

Wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa ilo xog ogaal ah, ayaa qortay in labada dal ay doonayaan inay sameeyaan diyaar garowga lagama maarmaanka u ah furitaanka safaaradaha ka dib Ciidul Fidriga, taasoo ah muddo gaadheysa bil gudaheed.

Wakaalada wararka ee Reuters, ayaa sidoo kale sheegtay in go’aanka Sacuudiga uu dib ugu soo celinayo xiriirkii uu la lahaa dalka Siiriya, uu yimid kadib wada hadal uu la yeeshay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka Suuriya.

Dowladaha Sacuudiga iyo Suuriya, ayaan wax xidhiidh ah oo diblumaasiyadeed yeelanin muddo ka badan toban sano, dib u soo celintan, ayaana ah tillaabadii ugu muhiimsaneyd ee ay Suuriya dib ugu soo laabatay kooxda dalalka Carabta.

Horumarkan diblumaasiyadeed, ayaa lagu dhawaaqay wax yar ka dib heshiiskii dowladaha Iran iyo Saudi Arabia, ee ahaa in la caadiyeeyo xidhiidhka, kaasoo lagu gaadhay dhexdhexaadinta Shiinaha.

Iran ayaa ahayd taageeraha ugu muhiimsan gobolka ee madaxweynaha dalka Suuriya, Bashaar al-Asad, ee dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Sacuudi Carabiya iyo dalal badan oo Carbeed oo ay wehliyaan Turkiga, ayaa taageeray qaar kamid ah kooxaha hubeysan ee kasoo horjeeda Bashaar Al-Asad.

Dagaalka dhiigga badan ku daatay ee dhanka dalka Suuriya, ayaa sababay in la hakiyo xubinnimadii Suuriya ee ururka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, Faysal Bin Farxaan, ayaa dhawaan sheegay in iskaashiga Suuriya ay ka caawin karto inuu dib ugu laabto Jaamacadda Carabta.

Si kastaba ha ahaatee, wuxuu taasi ku daray, weli inay tahay xili hore in la qaado tallaabadan oo kale.

Maraykanka ayaan soo dhawaynin inuu caadi noqdo xidhiidhka ka dhexeeya dalalka gobolka, iyo xukuumadda Bashaar Al-Asad iyo Sucuudiga.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaas, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in mawqifka Maraykanku aanu waxba iska beddelin, in aanu wadan ku dhiiri galinayn inay caadi ka dhigaan xidhiidhka ay la leeyihiin dowladda Suuriya.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office