Maxkamad Ku Taalla Kenya Oo Xukun Ku Ridday Xubno Al-shabaab Ka Mid Ahaa

0

Nairobi (Arabsiyo) – Maxkamad ku taalla dalka Kenya, ayaa laashay racfaan ay ka qaateen labo nin oo lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen, weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee sanadkii 2015-kii, kaasoo ay ku dhinteen 148-qof.

Garsoore Cecilia Githua, ayaa sheegtay in Hassan Edin Hassan iyo Mohammed Abdi Abiikar, in xukunkoodii ahaa 41-sano oo xadhig ah uu sidiisa ahaan doono, maadaama racfaankooda aanu muujinin in maxkamadda darajada koowaad, ay ku qaldantay inay bixiso xukunada dhaadheer.

Labada nin ee Keenyaanka ah ayaa la xukumay sanadkii 2019-kii, halka Rashid Mberesero, oo u dhashay Tanzania, lagu xukumay xabsi daa’in, ka hor inta uusan isdilin 2020-ka.

Dhammaantood ayaa waxaa lagu helay dambi ah inay maleegayeen weerar argagixiso iyo inay ka tirsan yihiin kooxda xidhiidhka la leh Al Qaacida.

Balse waxay racfaan ka qaateen xukunka maxkamada darajada koowaad.

Laakiin garsooraha Githua, ayaa sheegay in uu taageeray xukunnada, isaga oo sheegay in ay dhab ahaantii aad u debecsan yihiin, marka loo eego “falalka foosha xun, ee la sii qorsheeyay ee dhibaatada badan u geystay qoysaska dhibanayaasha”

Labaduba waxay rafcaan ka qaadan karaan xukunka Maxkamadda Racfaanka laba toddobaad gudahood.

Weerarkii Jaamacadda oo ay ku dhinteen arday badan, ayaa ahaa weerarkii labaad ee ugu khasaaraha badnaa ee ay kooxdu ka geysato dalka Kenya.

Weerarkii Al-Qaacida ee safaaradda Mareykanka ee 1998-dii, ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 200 oo qof.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office