Hargeysa (Arabsiyo) – Guddi Golaha Wakiilada Somaliland u saaray xaaladda Laascaanood, ayaa ku taliyay in xabad-joojinta la cusboonaysiiyo, in loo guntado in colaadda wada-hadal lagu dhameeyo iyo qodobbo kale.
Guddida oo golaha wakiilada u gudbisay soo jeedin 11 qodob ka kooban, ayaa ku talisay in la dhaqan-geliyo xabad joojin bilaa shuruuda, isla-markaana dhamaan qaybaha bulshada, waddamada jaarka iyo beesha caalamkuba ka qayb qaadato daminta colaadda.
Guddidu waxay golaha u soo jeedisay in uu dhamaan xoogaga hubaysan ee gurmadka ku yimid Laascaanood ugu baaqo in ay sida ugu dhakhsaha badan gobolka kaga baxaan, iyo in goluhu taageero ciidamada millateriga Somaliland.
Waxa kale oo ay Golaha u soo jeediyeen in uu ku baaqo in gargaar la gaadhsiiyo dadka ku barakacay colaadda, iyo in la dardar-geliyo wax kasta oo xoojinaya midnimada iyo qaranimada Somaliland, ayaa lagu yidhi qoraalka.
Waxay u soo jeediyeen golaha in wax laga barto qaladaadkii maamul ee ka dhacay Laascaanood si aanay hagardaamo kale u iman, iyo in dib u eegis lagu sameeyo dastuurka iyada oo la fulinayo heshiisyadii hore ee madaxda Khaatumo lala galay.
In la joojiyo hadallada bulshada sii kala fogaynaya, waxayna ugu danbayntii sheegeen in heshiis kasta oo la galo oo ka soo horjeeda qaranimada Somaliland aan la aqbali doonin.