Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Maanta ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo, safiirka cusub ee Dawladda Federal-ka Itoobiya dhawaan u soo magacowday Jamhuuriyadda Somaliland, Amb Delil Kedir Bushra.
Kulankan Madaxweynuhu ku qaabiley Safiirka, ayaa ujeedkiisu ahaa soo dhawayn, maaddaama safiirku ku cusub yahay xafiiska Safaaradda Itoobiya ay ku leedahay Dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu madaxweynuhu u rajeeyey safiirka inuu halkaasi ka sii amba qaado xidhiidhkii wada shaqayneed ee xafiiska uu haatan ka hawlgelayaa hore u hayey.
Waxaana kulankaa lagu lafo-guray wada-shaqaynta iyo xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Federaal-ka Itoobiya ee ku dhisan isu-socodka, iskaashiga dhaqan dhaqaale ee labada bulsho iyo arrimaha nabadgelyada mandaqadda geeska Afrika, maadaama safiirku hawlahiisa shaqo ka bilaabi doono Jamhuuriyadda Somaliland.
Kulankan waxa madaxweynaha ku wehelinaayey Wasiirka ku xigeenka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka, Mudane Cabdinaasir Cumar Jaamac. Dhinaca Safiirkana waxa ku wehelinaayey ku xigeenkiisa.
Waxa Xusid Mudan, in Dawladda Federaalka Itoobiya si isku mid ah ula Macaamilayso Dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya, ka dib markii Raysal-wasaaraha Itoobiya kor u qaaday Maqaamka Xafiiskoodii Hargeysa isla-markaana uu ka dhigay Safaarad Buuxda.
Toddobaadkii hore, sidan oo kale ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu Waraaqaha Aqoonsiga uga guddoomay Safiirka Cusub ee Soomaaliya.