Muqdisho (Arabsiyo) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa saaka oo axad ah xukun dil ah ku fulisay Xuseen Maxamed Cabdi Nuur iyo Abaadir Isaaq Nuur.
Toogashadan ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo. Mid kamid ah labada nin ayaa hore u dilay xaaskiisa halka kan kale uu Dilay askari ka tirsan Boliiska.
Labadan nin ayaa hore heerarka kala duwan ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ugu rideen xukunno dil ah, kadib markii lagu helay dambiyada ay galeen, dilka saakayna wuxuu yahay qisaasta dadkii ay dileen.
Illaa bishii February, Rag isugu jiray Shabaab iyo askar ka tirsan ciidanka ayaa lagu fuliyay xukunno dil ah.
Xukunkii ugu dambeeyay wuxuu ahaa saddex nin oo ka tirsanaa Al-shabaab, kuwaas oo uu ka mid ahaa Dr Fanax, waxaana la toogtay todobaadkii hore.
Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida, gaashaanle sare Shuute, ayaa sheegay in maxkmaadda ciidamada ay ka go’an tahay inay fuliso xukunnada toogashada ah marka ay dhameystaan habraacooda.