Hargeysa (Arabsiyo) – Alle ha u naxariistee waxa Maanta Magaalada Boorama ku Geeriyootay Fanaanadii caanka ahayd Aamina Cabdillaahi Xirsi.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland Siciiid Xasan Habbane oo Shir-jaraa’id qabtay, ayaa xaqiijiyey Geerida Aamina Cabdillaahi Xirsi.
Dhanka kale, waxaanu halkan ku soo gudbinaynaa qayb ka mid ah Taariikhda Marxuumadda, taasi oo uu qoray Weriye Cali Caano-dhame oo ka tirsan Idaacadda Radio Hargeysa, waxaanu ku bilaabay sidan:-
TAARIIKH KOOBAN
Allaah ha u naxariistee Aamina Cabdillaahi Xirsi, intii aan ka aqaanay haddii aan yar iftiinsho waxay ka mid ahayd hormuudkii fanka Soomalida, gaar ahaan Hoballadii waaberi ee Loo yaqiinay HOOYADA FANKA.
Waxay fanka ka bilowday dabaayaqadii sanadihii 60aadkii dalka jabuuti iyadoo gabadh yar ah, kadibna waxay u soo wareegtay dhinaca somaliland waxay riwaayado wada dhigeen awalkiiba fanaaniintii ruug caddaaga ahaa cismaan gacanlow, Cabdi-qays, iyo kuwo kale oo badan, oo ay heeso badanna wada qaadaan.
Hase yeeshee shakhsiyan inta aan garanayo riwaadaha aamina Cabdillaahi ay xiddigada ka ahayd amar door xiiso leh ku lahayd ee aan duugoobin weligood aadkana Loo jecel yahay.
1-Waxaan ka xusi karaa:1974 iyo dab jacayl kari waa.
2-Galbeed waa la xorreeyee waarsaa gaagixisay.
3-Ha waalnaado jacaylku ee Aynu weerarka aadno.
4-Wadhaf iyo shimbiro oo ay ku metelaysay xasan aadan hooyadii iyo Qaabkii qiirada iyo la yaabka lahaa.
5-bidaari sibiq Bay kugu gashaa
6-Jacayl run ah iyo rooxaan ka hor timi
7-Waan isla weynaye Mabay weynayn.
8-musiibada aduunyada.
9-isuma qaddo
10- riwaayddii aw bustaale.
11-ninba timo xamar.
12- abuur waano la yaab.
13-ninba tacabkii talooy kaa maal..ama (gari makaa baxdaa) loo yaqiin..
15-beeneey waa run….iyo qaar laga yaabo inaan dhaafay maadaama in muddo ahi kasoo wareegtay..
Heesaha qubanaha ah ee aan iyagu riwaayad ku jirin idaacadahana loo qabtay ayaa tiro badnaa, aan ka xuso iyagana (oo shiikh baa wuxuu yidhi -inanyahay shar kuuma leh) ..
Heesta ‘Si-yar si-yar. Heeso waddani ahaa oo aan ka xasuusto (Bulshayahay bal kaalaya Bushaarada
Berri ubaxa kacayoow Bilkhayr dhaha…
Bil khayr
Bilkhayr
Bilkhayr…
Haddii aan sii iftiinsho dad badani waxay ku xusuusan karaan ..kacaankaa noo baaqee barakaysani ha noooolaadoo
Waxa u jiibin jiray carruurtii la odhan jiray ubaxa…Ereyada waxa lahaa Allah ha u naxariistee oo intii uu noolaa iiga sheekeeyay. Waalidkii wanaagsanaa saaxiibkii qaaliga ahaa ganacsadihii reer hargeysa ee bacadlaha WAAHEEN MUXUMUD CALI MAS MAS…
Sacna weysha uu dhalo sanka ….aamina iyo gacayte.
Sida dhidar ha fiid kicin, cashaqa ha fara gelin…aamina cismaan gacanloow iyo qaar kaloo badan.
Aamina Cabdillaahi waxay ahayd habka jilista sheekada iyo ku luuqaynta heesaha fanaanad aan dhiggeed la heli karin aadna loo wada jeclaa.
Allaah ha u naxariisto aamina, waan ka tacsiyadaynayaa, Carruurteedii ilma Cabdi-qays iyo ilma Cabdiraxmaan-dheer.