Hargeysa (Arabsiyo) – Ciidammada Milateriga ee Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa Gacanta ku dhigay gaadiid saanad ciidan u siday Maleeshiyaadka dagaalka ka wada Magaalada Laascaanood.
Saannaddan Ciidan oo lagu sheegay rasaas ka kooban dhowr kun oo midh iyo gaadiidkii sidayba waxa Shalay gacanta ku dhigay Ciidammada Federaalka Itoobiya ee ku sugan xuduudka u dhexeeya Somaliland & Itoobiya, gaar ahaan xuduuudka Buuhoodle.
Warku wuxuu Intaa ku darayaa, in loo Malaynayo in rasaasta la qabtay laga soo rarray Magaalada Buuhoodle, lana doonayey in gudaha Itoobiya la soo mariyo, si marin habaabin loo sameeyo, ka dibna rasaastaasi loo gudbiyo dhanka Magaalada Laascaanood.
Dadka rasaasta soo rarray oo ka war qaba in Ciidammada Qaranka Somaliland fadhiisimo badan ku leeyihiin jiidaha u dhexeeya Buuhoodle iyo deegaannada u dhexeeya Laascaanood, kana cabsi qaba in la qabto, ayaa gaadiidkii siday Rasaasta ula tallaabay xuduudka Itoobiya, iyagoo qorshaystay inay Rasaastaas dhanka Itoobiya ka soo geliyaan Laascaanood, nasiib-wanaag’se waxa Gacanta ku dhigay Ciidammada Millateriga Dawladda Federaalka Itoobiya oo ku teedsan xuduuudka Somaliland, si ay uga hor-tagaan in kooxaha Argagixisada ah iyo kuwa Nabad-diidka ahi u gudbaan gudaha Itoobiya.
Inkasta oo warar kale oo aan la hubin sheegeen in rasaastu marka hore ka timid dhanka Kililka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halkaas dad La Isir ah dadka Laascaanood ay hore Warbaahinta uga sheegeen inay garab taagan yihiin kooxaha Colaadda ka wada Laascaanood ee Ciidammada Qaranka Somaliland dagaalka kula jiraan.
Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa leh iskaashi dhinaca amniga ah, sida la-dagaalanka kooxaha Xag-jirka ah ee qaarkood lugta ku leeyihiin dagaalka ka socda Laascaanood.
Hore, waxa Dagaalka Laascaanood loogu dilay ilaa 32 Askari oo ka mid ahaa Ciidammada Liyuu-booliska Kililka Soomaalida ee dalka Itoobiya, halka 17 kale oo la qabtayna Somaliland ku wareejisay Dawladda dhexe ee Itoobiya, arrintaas oo horseedday in Wasaaradda Difaaca ee Itoobiya soo saarto go’aan ah in la kala diro Ciidamada Liyuu-ga, laguna kala daro Ciidammada kale ee Itoobiya.









