Laascaanood: Tirada Maleeshiyaadka Kaga Dhintay Dagaalkii Maanta Dhex Maray Ciidamada Qaranka JSL

0

Laascaanood (Arabsiyo) – Gelinkii hore ee Maanta, waxa dagaal culus uu dhex maray Ciidammada Qaranka iyo Maleeshiyaadka nabad-diidka ah ee kooxaha Argagixisada ahi taageerayaan.

Dagaalkan, ayaa bilaabmay ka dib, markii Maleeshiyaadka kala ujeeddada ahi saddex Jiho ka Weerarreen Fadhiisimada Ciidamada Qaranka ee duleedka Laascaanood iyo Fadhiisimada Ciidanka Qaranka ee Tuke-raq.

Dagaalkan oo loogu Talo-galay in lagu baajiyo dedaallada nabadeed ee Ergooyinka dhaqanku isku xil-qaameen, ayaa waxay Maleeshiyaadka is garabsanayaa kala kulmeen khasaare laxaad leh.

Marka koowaad, Maleeshiyaadka ayaa Saddex jiho ka weerarray Ciidammada Qaranka oo ka sii war qabay isla-markaana u diyaarsanaa, taasina waxay keentay inay jab culus la kulmaan Xooggaga Weerarka ahaa ee Gudaha Laascaanood kaga duulay fadhiisimada Ciidammada Qaranka JSL.

Xog ay Warbaahinta Arabsiyo News ka heshay dagaalka, ayaa sheegtay in Maleeshiyaadka weerarka ahaa ay dagaalka kaga dhinteen 132 Dagaalame, kana dhaawacmeen illlaa 253 Askari, waxaana jira Tobanaan laga qabtay Maleeshiyaadka, inkasta oo aan tiradooda la sugin.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Maleeshiyaadka kala ujeeddada ah laga qabtay gaadiid dagaal oo dhan 6, lagana gubay 4 Gaadhi oo kuwa dagaalka ah.

Xogaha aanu helnay, ayaa intaa ku sii daraya in Ciidanka Qaranka Somaliland khasaaraha dagaalkaa ku soo gaadhay aanu jirin, marka laga reebo 2 Askari oo Geeriyooday iyo Illaa 6 Askari oo dhaawac fudud soo gaadhay.

Dhanka Tuke-raq, waxa la sheegay in Ciidammada Qaranka ee halkaa ku sugani baacsadeen Maleeshiyaad xagga Puntland ka soo duulay, kuwaasi oo weerarkoodu ahaa inay arbushaan Ciidanka qaranka, markii uu bilaabmay dagaalka Laascaanood ee Ciidammada Qaranku guusha ka gaadheen.

Ciidammada Qaranka Somaliland oo awood u leh Inay Saacado kooban Maleeshiyaadka kaga sifeeyaan Laascaanood, ayaan intii colaaddu bilaabantay aan qaadin wax weerar ah, waxayna mar walba ku sugan yihiin fadhiisimadooda, iyagoo fulinaya Xabad-joojintii Dawladda Somaliland ku dhawaaqday, balse waxay dhabarka ka jabiyaan hadba Maleeshiyaadka fadhiisimadooda ku doonta, sida Maanta dhacday.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office