Madaxweyne Biixi Oo Booqday Askartii Ku Dhaawacmay Dagaalka Laascaanood

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa Jimcaha Maanta booqday Cisbitaalka guud ee Hargeysa iyo Cisbitaalka Ciidamada Qaranka ee Birjeex, halkaasi oo lagu daweynayo Ciidamadii waxyeeladu ka soo gaadhay Dagaalka Laascaanood.

War qoraal ah oo Madaxtooyada Somaliland ka soo saartay Booqashada Madaxweynaha ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa u kormeeray Cusbitaalka guud ee Hargeysa iyo Cusbitaalka Ciiddamada Qaranka ee Birjeex. waxaanu inta badan dul-istagay bukaan jiifka oo dhan, waxaanu ugu duceeyay inuu illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo dhamaantood.

Madaxweynuhu wuxuu mid mid u gacan qaaday geesiyaashii Qaranka ee ku soo dhaawacmay Laascaanood, isagoo u kuurgalay mid walba xaaladdiisa caafimaad, dhakhaatiirtii u adeegaysayna Madaxwaynuhu wuxuu u sheegay in ay dawladdu wax walba u hurayso daryeelkooda caafimaad.

Madaxweynuhu wuxuu ugu duceeyay in illaahay caafimaad deg-deg ah siiyo, kuwii naftooda u huray difaaca dalka iyo dadkana naxariistii janno Alle ka waraabiiyo.

Sidoo kale, Madaxwaynhu waxa uu caddeeyaay in geesiyaasha Qaranka ee dhawaaca ah dawladdu u hurayso wax walba daryeelkooda caafimaadkooda, isla-markaana daryeelka qoysaskii geesiyaasha naftooda huray uu yahay waajib saaran Qaranka Somaliland.

Ugu danbayn, Madaxwaynuhu waxa u bogaadiyaay sida fiican ee bahda Caafimaadka oo ay hoggaaminayso Wasaaradda Horumarinta Caafimaadku uga hawl-galeen gurmadkii caafimaad, iyagoo si waddannimo ah uga shaqaynaayey Cusbitaallada, Oog, Caynaba, Burco iyo Hargaysaba.”

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office