Hargeysa (Arabsiyo) – Dawladda Somaliland oo Si Maalinle ah u soo bandhigta Xaaladda dhabta ah ee Magaalada Laascaanood oo dagaalo ku dhex marayaan Ciidammada Qaranka iyo Kooxo Argagixiso lagu sheegay, ayaa Khamiista Maanta soo bandhigtay Xaaladihii u dambeeyay
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, oo ku qornaa Afka Ingiriisiga isla-markaana loogu Talo-galay Beesha Caalamka, ayaa isagoo dhamaystiran wuxuu u qornaa sidan:-
“January 5, 2023, iyadoo la isku dayay in xiisadda la dejiyo, lagana fogaado rabshado aan loo meel dayin oo ka dhaca magaalada Laascaanood, waxay xukuumadda Somaliland amar ku bixisay in dhammaan ciidamada dawladda laga saaro magaalada oo dib loogu celiyo xeryahooda duleedka magaalada ah, halkaas oo ay weli ku sugan yihiin.
Waxaa jiray weerar aan loo meel dayin oo ay canaasiirta argagixisadu ku qaadeen xeryaha dawladda iyo ciidamada saacadihii hore ee 6-dii February 2023, welina wuu socdaa weerarkaasi.
Ciidamada Somaliland, ayaa weli ku sugan xeryahooda ku yaalla duleedka Laascaanood, iyadoo kooxaha xagjirka ah ay sii wadaan weerarada ay ka geysanayaan gudaha magaaladaasi.
Xukuumadda Somaliland waxa ay xaqiijisay oo ay sii waddaa in aanay carqaladayn dhammaan adeegyada aasaasiga ah sida Biyaha, Laydhka, Internetka,qalabka caafimaadka oo ay ka mid yihiin dawooyinka, waxaana ugu muhiimsan in dadka reer Laascaanood ay nabadgelyo helaan.
Sidoo kale, Xukuumadda Somaliland waxay si adag u beeninaysaa eedaymaha been abuurka ah ee Internet-ka lagu faafiyay ee lagu sheegay inay Xukuumaddu is-hortaagtay ama jartay wax kasta oo Aasaasi ah, isla- markaana ay Ciidammada Ammaanku khasaare naf iyo maalba ah ka geysteen gudaha Laascaanood.
Xukuumadda Somaliland, ayaa si cad u beenisay wararka been abuurka ah ee sidoo kale lagu faafiyay shabakadaha Internet-ka ee Maleeshiyada argagixisada ah iyo taageerayaashooda ay ka qorteen waddamada dibedda, si ay isku dayaan in ay dawladda Somaliland ku tilmaamaan mid gardaran.
Laakiin, Caqliga saliimka ahi waxa uu dhigayaa in aanay dawladi amar ku bixin in ciidamada laga saaro magaalooyinkooda, bil ka dibna weeraraan.
Intaa waxaa dheer, sawirada muujinaya burburinta kaabayaasha muhiimka ah sida Cisbitaallada, iskuulada, goobaha cibaadada, meheradaha iwm ee internetka lagu baahiyey ayaa ah sawirro laga soo qaaday dalal kale.
Si fududna, halka Sawirradaasi ka yimaaddeen iyo Xaqiiqadooda waxa loogu caddayn karaa baadhista Google.
Waxa kale oo mudan in halkan lagu xuso inta badan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee ay hirgelisay xukuumadda Somaliland, ilaalintooduna ay tahay muqadas.
Ugu dambayntii, Xukuumadda Somaliland waxa ay halkan ka caddaynaysaa inay ka go’an tahay, isla-markaana ay mar walba ka shaqayn doonto nabadaynta iyo xasiloonida magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada kale ee Somaliland, waxaanay si cad arrintaa loogu qeexay shirkii ugu dambeeyay ee golaha Wasiirrada ee uu Madaxweynuhu guddoominayay.
Nabadgelyadu waa tii Somaliland halkan soo gaadhsiisay, nabadduna waa waxa dawladdan Somaliland u rajaynayso shacabkeeda oo dhan…” ayaa lagu soo gunaanaday War-saxaafadeedkaa oo ku qornaa Afka Ingiriisiga.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









