Hargeysa (Arabsiyo) – Golaha Guurtida Somaliland, ayaa Shalay ansixiyey Xeerka Qoxootiga iyo Barakacayaasha.
Xeerkan oo muddo dooddiisu socotay isla-markaana dhowr jeer Xildhibaannada Golaha Guurtidu isku khilaafeen, ayaa Maanta la ansixiyey.
Fadhigii Maanta oo ay ka soo xaadireen 54 Xildhibaan, ayaa waxa ansixiyey 42 Mudane, waxaana diiday 6 Xildhibaan, halka aanu Guddoomiyuhuna aanu ka codaynin.
Xeerka la ansixiyey ayaa hore khilaaf uga dhex abuuray Xildhibaannada Golaha Guurtida Somaliland.
Xildhibaannada qaarkood ayaa xilligaa soo jeediyey In xeerkan la laalo oo aan la meel-marin, iyagoo ku dooday inuu fursad siinayo dadka Itoobiyaanka ah oo si aan xad lahayn ugu soo qulqulaya.
Laakiin, aakhirkii Xeerkaasi waxa la ansixiyey Salaasada Maanta.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









