Berbera (Arabsiyo) – Doon Xoolo ka qaadday Dekedda Magaalada Berbera, ayaa degtay iyadoo ku sii jeedda Dalka Yemen.
Doontan ayaa dekedda Berbera ka qaadday Xoolo iskugu jira Adhi iyo Lo’, ayaa waxa la socday 10 Qof oo shaqaale ah, kuwaasi oo uu ka mid yahay Naakhuudihii doontaasi waday.
Maareeyaha Dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdillaahi, oo ka hadlay khasaaraha Doontan ka dhashay ayaa yidhi “Doonta SK Marwah oo Xalay xoolo ka qaaday Dekedda Berbera ayaa ku degtay meel u dhaw marinka Baabul Mandab. Doontan degtay oo ku wajahnayd Yemen, waxay u rarnayd ganacsatadeenna xoolaha dhoofisa. Waxay qaaday xoolo tiradoodu dhan tahay 1,780 neef oo isugu jiray Lo’ iyo Adhi. Sidoo kale waxa saarna doonta shaqaale 10 baxaari ah iyo naakhuudihii doonta waday oo aan ila hadda raq iyo ruux midna aan laga haynin. Waxaan Alle uga baryayaa in uu cawil-naq khayr qaba ka siiyo ganacsatadeenna maalkoodii ku waayay masiibadan rabbaaniga ah.”









