Taliyihii Booliska Soomaaliya Oo Xilkiisii Ku Waayay Shaqaaqada Laascaanoow Awgeed

0

Muqdisho (Arabsiyo) – Xukuumadda Somaliya, ayaa Taliye cusub u soo magacowday ciidanka Booliiska Soomaaliya, waxaana lagu meel mariyay shirka golaha wasiirrada ee Soomaaliya ee dhacay Khamiista Maanta.

General Sulub Axmed Fidhin, ayaa loo magacaabay inuu noqdo taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya, kadib soo jeedin ka timid wasaaradda amniga xukuumadda Soomaaliya.

General Sulub Axmed Fidhin, ayaa haatan ah wasiir ku xigeenka Duulista Hawada Soomaaliya ee xukuumadda raysal wasaare Xamse Cabdi Barre.

Taliyaha cusub ayaa xilka kala wareegaya Gen, Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo xilkaan hayay tan iyo 2019, waana isbeddelkii ugu weynaa ee lagu sameeyo hoggaanka booliiska.

Taliyaha cusub ayaa horey xilal kala duwan uga soo qabtay dalka, waxaana magacaabiddiisa ay kusoo aadaysaa xilli madaxwayne Xasan Sheikh lagu wado inuu dib u habayn iyo tayayn ku sameeyo booliiska Soomaaliya.

Warar dheeraad ah oo laga helay xil ka qaadista Taliyihii Booliska Soomaaliya, ayaa sheegaya in sababta xilka looga qaaday tahay in la ogaaday inuu si hoose ula shaqaynayey dadka dhibaatada ka wada Laascaanood ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in Saaxiibbada Caalamka ee Somaliland ay Dawladda Xasan Sheekh culays ku saareen xil ka qaadista Taliyaha Booliska, ka dib markii Ciidammada Sirdoonka ee Soomaaliya ogaadeen inuu gacan ku leeyahay kacdoonnada laga abuuray Gobolka Sool oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo Mr. Xijaar

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office