Duqayn Ka Dhacday Buuralayda Puntland

0

Galgala (Arabsiyo) – Duqayn dhinaca cirka ah, ayaa Xalay ka dhacday buuraha Calmiskaad ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari ee Maamulka Puntland, halkaas oo la sheegay inay fadhiisin ku laahaayen maleeshiyada Daacish, sida ay Warbaahinta u xaqiijiyeen ilo amni iyo dadka deegaanku.

Duqeyntan ayaa socotay ilaa Waaberigii Khamiista, iyadoo ilaa hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.

Ma jirto ila hadda cid sheegay inay ka dambeysay duqeyntan.

Maahan markii ugu horreysay oo duqeymo ka dhan ah maleeshiyada Daacish ay ka dhacaan deegaannadaas, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay buuraleyda gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Daacish.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office