Hargeysa (Arabsiyonews) – Taliyaha guud ee Ciidammada Qaranka Somaliland Nuux Ismaaciil Taani, ayaa ka hadlay amniga Magaalada Laascaanood.
Taliyaha oo Shir-saxaafadeed ku qabtay Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay in amniga Magaalada Laascaanood iyo ka guud ahaan Gobolka Sool uu ku jiro Gacanta Ciidamada Qaranka Somaliland.
Taliye Taani wuxuu sheegay in Garaadada Sool ee Maalmihii u dambeeyay ku soo qulqulayey Laascaanood ay amnigooda sugayaan Ciidammada Qaranku isla-markaana Shirka ay Laascaanood ku qabanayaan ay amnigiisa sugayaan Ciidammada Qaranku.
Taliyuhu wuxuu bulshada Laascaanood ugu baaqay inay Nabadyalyadooda ilaashadaan, Ciidammada amnigana la shaqeeyaan.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









