Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Oo Hor-tagay Guddiga Joogtada Ah Ee Golaha Wakiillada

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Maanta kulan la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Khaalid Jaamac Qodax.

Kulankaasi ka dib, waxa ujeeddada kulanka Saxaafadda uga war-bixiyey Guddoomiyaha Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiilada Somaliland Xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed iyo Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.

Guddoomiyaha Guddida Joogtada Ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Nuur Cismaan Guuleed oo ugu horeyn ka warbixiyey ujeeddadii kulankoodaas ayaa ka warramay in masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha Dowladda Somaliland ka xog-waraysteen howlaha kala duwn ee ay Qaranka u hayaan, guddoomiyuhu ayaana xusay in wado shaqeyn leeyihiin mas’uuliyiinta hay’adda shaqalaha Dowladda iyo Golaha wakiillada Somaliland.

Guddoomiyaha Hay’adda shaqaalaha Dowladda Khaalid Jaamac Qodax oo goobtaasi hadal ka jeediyey ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddadii kulankoodaasi daaranaa, waxaanu Guddoomiye khaalid ka warbixiyey in hay’adda shaqaalaha dowladda Somaliland tahay mid dastuuri ah kana mid ah hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha ayaa guddida joogtada ee Golaha wakiillada uga warbixiyey waxyaabihii u soo qabsoomay ka hay’adda shaqaalaha dawladda iyo waxyaabaha u qorsheysan sanadkan.

Guddoomiyuhu wuxuu sharaxaad ka bixiyey xeer nidaamiyaha shaqaalaha dowladdu ku shaqeyso iyo Hay’addu ku howlan tahay tayeynta shaqaalaha kala duwan ee dowladda, sida Dalacsiintooda, inay xirfadooda aqooneed kor u qaadis ku sameynayaan iyo in xuquuqdooda ay ilaaliyaan.

 

Arabsiyonews.com/Hargeisa Office