Somaliland Oo Farriin Cadho Leh U Dirtay Safiirka Maraykanka Ee Muqdisho

0

Hargeysa (Arabsiyonews) – Dawladda Somaliland, ayaa si cadho leh uga jawaabtay hadal Meel ka dhac ah oo Safiirka Maraykanka ee Muqdisho uu Berbera ku sheegay Soomaaliya.

War-saxaafadeed Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho Jimcihii ka soo saartay socdaal Saraakiil Ciidammada Maraykanka ahi ku tageen Berbera, ayaa loo dhigay in Berbera ay ka mid tahay Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland oo daba socota hadalkaa hore, ayaa farriin adag u dirtay Safiirka Maraykanka ee Muqdisho.

Wasaaradda Arrimaha dibedda oo qoraal ku baahisay boggeeda Twitter-ka, ayaa tidhi “Waa wax aan la aqbali karin in Larry Andre oo ah safiirka Maraykanka ee Muqdisho uu si joogto ah uga fogaado in Somaliland loogu yeedho magaca saxda ah oo uu ku tilmaamo gobol ka mid ah Soomaaliya, isla-markaana uu Berbera ku tilmaamo Soomaaliya in kasta oo uu si fiican u og yahay in Somaliland aanay ahayn gobol ka mid ah Soomaaliya.”