Berbera (Arabsiyonews) – Maamulka Dekedda Berbera, ayaa Maanta Shir la xidhiidha amniga la yeeshay Saraakiisha Ciidammada Kala duwan ee Somaliland.
Shirkan oo uu Guddoomiyey Maareeyaha Dekedda Berbera Siciid Cabdillaahi, ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa amniga Dekedda Berbera iyo guud ahaan Gobolka Saaxil.
Maareeyaha Dekedda Berbera Mudane Siciid Cabdillaahi oo shirkaa ka dib qoraal ku baahiyey Bartiisa Facebook, ayaa yidhi “Shir ku saabsan adkaynta ammaanka Dekedda Berbera ayaannu wada yeelanay Taliska qaybaha kala duwan ee Ciidanka Gobolka Saaxil iyo Dekedda Berbera.
Shirkan oo aannu diiradda ku saarnay ahmiyadda ay leedahay in la iska kaashado xoojinta iyo ilaalinta amniga guud ee Dekedda Berbera, iyo sidii looga hortagi lahaa wixii wax u dhimaaya ammaanka iyo badqabka Dekedda.”
Shirkan ayaa qayb ka ah diyaar-garowga Dawladda Somaliland ugu jirto Dhoolla-tuska Ciidanmada Maraykanka iyo Xulafadiisu doonayaan inay bisha dambe ku sameeyaan Dekedda Iyo madaarka diyaaradaha ee Magaalada Berbera.
Dhoolla-tuska, ayaa waxa ka qayb-qaadanaya Ciidamo ka kala socda illaa 20 Waddan oo xulafo la ah Dawladda Maraykanka
Jimcihii ayaa Wefti ka socda Ciidammada Maraykanku waxay kormeer ku tageen Magaalada Berbera, gaar ahaan Dekedda iyo Garoonka diyaaradaha ee Berbera, si ay qiimayn ugu sameeyaan goobaha uu dhoolla-tusku ka dhici doono.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








