Oslo(Arabsiyonews):-Safiirka Somaliland ee Norway Danjire Maxamed Maxamuud Aadan (Liinan), Xoghayaha Safaradda Cabdirixiim sh.Da’ud iyo qayb ka mid ah Jaaliyada Somaliland ee Norway ayaa qado Sharaf ku maamuusay Gudomiyaha Jaamacadda New Generation University Cabdiwasac Maxamed Yuusuf Allamagan Cabdiwasac Allamagan magaaladda Oslo dalka Norway
Kulankaas oo lagaga wadahadlay arrimo la xidhiidha sidii la iskugu xidhi lahaa Jaamacadda New Generation University iyo Jaamacadaha dalka Norway.
Waxaa kale Danjire Maxamed Liinan iyo gudomiyaha Jaamacadda New Generation University ka wadahadaleen sidii ay Jaaliyada Somaliland ee Norway taageero uga geysan lahayd dhismaha Jaamacadda New Generation University ka waddo Magaaladda Hargeysa dhismahaas oo waxbadan ka tari doona tayada waxbarashada dalka.
Safiirka iyo Jaaliyadda Somaliland ee Norway waxaa ay aad ugu dheeradeen soo na jeediyeen sidii loo xoojin lahaa kor u qadiida waxbarashada culumta Beeraha, Cafimaadka iyo Tiknolojiyada.
Waxaa kale Safiirka iyo Jaaliyadu aad u bogadiyeen kalinta ay ka gashay Jaamacaddu qiimayntii loo sameyay Jaamacadaha dalka.
Norway 🇳🇴 Oslo.
Arabsiyonews.com
Hargeysa office