Hargeysa (Arabsiyo) – Ambassador Tibor Nagy oo hore u ahaa Ergayga Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka u qaabilsan Afrika, ayaa ka hadlay dhibaatada Dalalka Afrika badankooda ka haysata kooxaha Xagjirka ah.
Ambassador Tibor Nagy, wuxuu sheegay in Dalalka Afrika badankoodu ku fashilmeen Inay wax ka qabtaan kooxaha Xagjirka ah ee dhibaatada ku haysa Amniga dalalkooda.
Wuxuu sheegay in dhibaatada haysata dalalka Afrika ee xagjirka dagaalka kula jira ay tahay in aanay u hagar-bixin Cidhib-tirka kooxaha ka soo horjeeda isla-markaana ay musuqmaasuqaan dhaqaalaha Beesha Caalamku ku siiso dagaalka kooxahaasi.
Laakiin, wuxuu sheegay in Somaliland oo ku taalla Gobol kooxahaasi aafeeyeen, ay hab dalalka kale ka duwan ula macaamisho kooxaha amnigeeda waxyeeli kara, taasi sabatay in Somaliland amnigeeda si buuxda Gacanta ugu haysato “Sababta ka hortagga Rabshadaha Xagjirnimada ay ugu fashilantay Afrika oo dhan, inkastoo dedaal iyo dhaqaale ballaadhan ay ka heleen beesha caalamka..” ayuu yidhi Ambassador Nagy oo ka dareen-celinayey War-bixin Warbaahinta Just Security.org ka sameeyay sababaha Dalalka Afrika ugu fashilmeen dagaalka kooxaha Xagjirka ah.
Tibor Nagy oo Somaliland Tusaale u soo qaatay, ayaa sheegay in habka Somaliland ula dagaalanto kooxahaasi uu ka duwan yahay habka ay adeegsadaan dalalka kale ee Afrika “Habka Somaliland waa mid ka mid ah xeeladaha fara ku tiriska ah ee lagu guulaysto..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku darat oo uu musuqmaasuq ku eedeeyay dalalka kale ee Afrika ee Beesha Caalamka dhaqaalaha kaga hela la dagaalanka Kooxaha Xagjirka ah, balse ku fashilmay inay ka adkaadaan “Kuma dayan karaan (Somaliland)dawlado musuqmaasuq (sameeyay)..”
Hadalka Tibor Nagy, ayaa Imanaya Toddobaado uun ka dib, markii Amiir ku-xigeenkii hore ee Kooxda Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow oo hadda ah Wasiirka Diinta ee Soomaaliya uu sheegay in kooxda Al-shabaab wax fal-dambiyeed ah ka fulin kari wayday degaannada Somaliland.
Wasiir Roobow wuxuu sheegay in kooxda Al-shabaab si walba iskugu dayday Inay Somaliland weerar ka fuliso, laakiin ay u suurto-geli wayday, maaddaama oo Shacabka iyo Ciidammada amnigu isku xidhan yihiin isla-markaana Qof walba wixii uu uga shakiyo amniga uu Ciidammada la socodsiiyo.