Hargeysa(Arabsiyonews):-9-kii Bishii hore ee June 2022, waxa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland ka dhacay Mudaharaad Rabshado watay, kaasi oo ay soo abaabuleen hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID.
Mudaharaadkaas oo ka soo bilaabmay goob taageerayaasha Xisbiyadaa lagu ururiyey oo ku taalla suuqa bari ee Magaalada Hargeysa, ayaa waxa dhashay khasaare kala duwan, ka dib Mudaharaadeyaasha oo ay hor socdeen Xubno uu ka mid yahay Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-cirro, ayaa waxay isku dhaceen Ciidammada amniga, ka dib markii ay isku dayeen inay u gudbeen Xaafadda Shacabka ee ay ku yaallaan Xarumaha Dawladda Somaliland.
Ciidammada Booliska oo Mudaharaadka ka hor feejignaa ayaa rasaas nool iyo Sunta dadka kaga ilmaysiisa u adeegsaday Mudaharaadeyaasha oo ku dhawaaqayey Weedho lid ku ah Madaxweynaha Somaliland, waxaana Ciidammadu xidheen illaa 34 xubnood oo qaarkood ka mid ahaayeen Madaxda Xisbiyada Mucaaradka ah, kuwaasi oo markii dambe lagu siidaayey Waan-waan.
Laakiin, Xisbiyada Mucaaradka ah oo ka cabanaya qorshaha furista Ururrada siyaasadda isla-markaana diiddan in doorashada Madaxtooyadu ka dambayso ta furista ururradu, kama waantoobin abaabulka Mudaharaaddo kale, waxayna sii wadaan qorshahooda ah inay dhacaan Mudaharaaddo saameeya Gobollada dalka oo dhan.
Axadda Maanta oo ku beegan 31-ka bisha July, ahna 50 Maalmood ka dib Dibed-bixii hore ee dhibaatadu ka dhacday, waxa Guddoomiyaha 21-ka sanadood hoggaaminaya Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe uu iclaamiyey Mudaharaad ay Taageerayaasha Mucaaradku ka samaym doonaan Gobollada iyo degmooyinka, maaddaama buu yidhi Guul laga gaadhi waayay Wada-hadalladii xalka loogu raadinayey khilaafka doorashada.
Hase-ahaatee, Dadweynaha reer Somaliland oo xilligan waajahaya xaalado nololeed oo adag, maaddaama oo dalka abaaro ka jiraan, Sicir-bararna naafeeyay Dadka oo awalba dhaqaale-xumo la tiicayey, ayaa la iswaydiin karayaa waxa hoggaanka Mucaaradku culayska ugu kordhinayaan.
Haddii la eego, sida Xisbiyada Mucaaradku aanay u hadal-hayn dhibaatada dhinaca nolosha ee dadka haysata iyo siday wakhtigoodii oo dhan u geliyeen ka hadalka doorashada Ururrada ee ay diiddan yihiin, waxa muuqanaysa in aanay dan ka lahayn nolosha Shacabka ay mustaqbalka codadka doonayaan, balse wax kasta ay kala weyn tahay inaan doorashada sharciga ah ee ururradu qabsoomin.
Si gaar ah, marka la eego xilliga Xisbiyada Mucaaradku doonayaan inay qabtaan Mudaharaadka oo ah xilligan oo Ardaydu dib ugu noqonayaan Dugsiyada Waxbarashada, maaddaama oo Fasaxii dhamaday, ayaa muujinaysa in Xisbiyadu meel iska dhigeen dhowridda danaha guud ee dadka iyo dalka Somaliland, balse ay isku dhaarsadeen inay dalka Qas geliyaan, si ay Madaxweynaha ugu cadaadiyaan inuu laalo qorshaha furista ururrada siyaasadda oo Maxkamadda sare fasaxday hirgelintiisa isla-markaana aanu xitaa Madaxweynuhu awood sharci u lahayn inuu joojiyo ama wakhtigooda beddello.
Ugu dambayn, Faysal Cali Waraabe oo Maanta iclaamiyey Mudaharaadka Mucaaradku ka samaynayn doonaan Gobollada dalka, ayaa Xisbiga UCID hoggaaminayey muddo ka badan 21 sanadood, halka Musharraxa WADDANI Cabdiraxmaan-cirro uu 10 sanadood ahaa Guddoomiyaha Xisbigaas, 12 sanadood oo kalena ahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland. Laakiin midkoodna xilligan ma doonayo in la furo Ururrada siyaasadda, si loo helo Xisbiyo kale oo siyaasadda dalka ku shubo dhiig cusub, waxayna sida muuqata wax walba ka hor-marinayaan dantooda gaarka ah, taasi oo hadda Bulshada Somaliland wada aragtay.
Sidaa darteed, Fahamka dadweynuhu xilligan ka haysto danta hoggaanka Xisbiyada Mucaaradka ah, ayaa la saadaalinayaa inay horseedi karto in Cidba u soo bixi waydo Maalmaha ay …
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









