Hargeysa (Arabsiyonews) – Deraasad Caalamiya oo laga sameeyay isbeddellada dhinaca horumarka ah ee ah Sanadihii u dambeeyay sameeyeen Dekedaha Afrika qaarkood, ayaa lagu xusay Dekedda Berbera ee Somaliland.

Deraasadda, ayaa muujisay in Dekedda Berbera ay door muuqda xilligan kaga jirto Dekedaha Afrika isla-markaana la tartamayso Dekedaha Mombasa ee Kenya iyo Dekedda ugu weyn dalka Tanzania ee Daarasalaam, inkasta oo aan Dekedda Tanzania aanay helin horumarka lagu sameeyay Dekedda Berbera oo kale.

Sidoo kale, War-bixinta oo la baahiyey Toddobaadkan, ayaa lagu sheegay in Ahmiyadda Dekedda Berbera uu kor u qaadday Mashruuca Lagu dhisayo Jidka Laamiga ah ee isku xidha Berbera illaa Wajaale oo saaran xuduudka Somaliland la wadaagto dalka aan badda lahayn ee Itoobiya, kaasi oo marka la dhamaystiro fududayn doona socodka gaadiidka xamuulka ka qaada Dekedda Berbera isla-markaana ka tallaabaya xuduudaha dalalka Itoobiya ka mid tahay.

“Waddada ‘Berbera Corridor’ waxay ka tarjumaysaa kalsoonida lagu horumarinayo Berbera, si ay u noqoto xarun ganacsi oo muhiim ah isla-markaana heer caalami ah..” ayaa lagu sheegay War-bixinta lagu faahfaahiyey Deraasadda Caalamiga ah.

War-bixintu waxay sheegtay inay Dekedda Berbera noqon doonto  xarun door weyn ka qaadata tartanka Dekedaha Afrika iyo Gobolka Geeska Afrika “Dekedda Berbera waxa ay noqon doontaa mid wax ku ool ah, taasi oo tartan ugu jirta ganacsiga gobolka, gaar ahaan shixnadaha u socda bariga Afrika.”

Dekedda Berbera ee Somaliland oo Shirkadda Carbeed ee DP WORLD ku Maalgelisay adduun lacageed oo dhan 442 Milyan oo dollar, ayaa War-bixinta Deraasadda lagu faahfaahiyey ku sheegtay In wejigii koowaad ee lagu ballaadhinayey dhammaaday, lana bilaabayo wejiga labaad ee lagu ballaadhinayo, taasi marka ay hirgashana doorkeeda tartanka Ganacsigu sii kordhi doono “Wejgii koowaad ee balaadhinta dekeda Berbera, ayaa Dekedda hore uga dhigay mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn Afrika, isla- markaana la tartanta Dekedaha kale..” ayaa lagu sheegay War-bixinta, waxayna Intaa ku dartay “Waxa laga shaqaynayaa wejiga labaad ee ballaadhinta Dekedda Berbera iyo Aagga Cashuuraha ka caaggan, waxaana socda horumar..”

Ugu dambayn, Dawladda Somaliland ayaa qorshaheedu yahay in Dekedda Berbera u adeegto dalalka aan badda lahayn ee Itoobiya ka mid tahay.

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office