USA (Arabsiyonews) – Kalkaaliyahii Hore u Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Afrika, ahaana Safiirkii Maraykanka u joogay Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya Timbor Nagy, ayaa ka digay in aan la khasaarin aqoonsi-labaad oo Dawladda araykanka u fidiyo Somaliland.
Ambassador Timbor Nagy, oo qoraal ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa sheegay inuu Kaaliyihii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Afrika dood kala yeeshay inaan xilligan la khasaarin fursadda Maraykanku u haysto inuu Somaliland aqoonsado, maaddaama oo xilligii ay Jendayi Frazer ahayd kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda u qaabilsan Afrika ay dhici wayday inay guulaysato taageeradeedii ahayd in la aqoonsado Somaliland.
“Dood xiiso leh oo ku saabsan Somaliland ayaan la yeeshay mid ka mid ah madaxdii xilka kaaliyaha Xoghayaha arrimaha dibedda ee Afrika iiga horreeyay Jendayi Frazer, taasi oo ku saabsan taageerada ay siiso aqoonsi uu Maraykanku siiyo Somaliland, iyo sababta ay u dhici wayday.”
Ambassador Nagy oo hadalkiisa sii wata ayaa Dawladda Maraykanka ugu baaqay in aanay dayicin fursadda uu Somaliland aqoonsi ku siin karayo xilligan “Waxaan rajeyneynaa in xilliga hadda jira uu suurto-gal yahay aqoonsiga aan la lumin.” Ayuu yidhi.
Timbor Nagy ayaa ka mid ah Diblumaasiyiinta taageera Somaliland.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









