Hargeysa (Arabsiyonews):-Guddida Dhaqaalaha ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta kulan la qaatay xubnaha komishanka Tamarta. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin sidii xal waara looga gaadhi lahaa doodda muranka ka taagan qiimaha laydhka ee dalka.
Ugu horrayn, xubnaha komishanka ayaa laga dhegaystay war-bixin ay kaga warramayaan qiimaha laydhka ee ay shirkaduhu kordhiyeen, sababaha ay u cuskadeen, culayska ay arrintaasi bulshada ku keentay iyo walaaca ay komishan ahaan hawshaasi ku hayso.
kulamadii ay komishanku la qaateen shirkadaha korontada iyo ganacsatada dalka ayey sidoo kale komishanku uga warbixiyeen guddida dhaqaalaha ee golaha wasiirrada.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









