Hargeysa (Arabsiyonews) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Isniinta Berri oo ku beegan 09.05.2022 uu khudbad-sanadeedka Dastuuriga ah u jeediyo Labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada).
Khudbad-sanadeedka Madaxweynaha Somaliland uu u jeedinayo Xildhibaannada labada aqal ee Wakiillada iyo Guurtida oo uu Dastuurku dalku jideeyay in sannad walba bilowgiisa uu Madaxweynuhu u jeediyo Baarlamaanka oo matalaya Shacabka, ayaa sannad walba wuxuu Madaxweynuhu kaga war-bixiyaa xaaladda guud ee dalka, sida Amniga, dhaqaalaha, horumarka, doorashooyinka, siyaasadda arrimaha dibedda, xidhiidhka Caalamiga ah waxyaabaha ka hirgelay qorshaha horumarinta Qaranka ee ku astaysan hiigsiga Mustaqbalka ee Qaranka.
Sidaasi darteed, maaddaama oo ay xilligan Somaliland ka jiraan xaalado siyaasadeed, kuwo dhaqaale isla-markaana u diyaar-garoobayso doorashooyin saddex ah oo dhammaantood qorshaysan inay sannadkan gudihiisa qabsoomaan, ayaa waxaynu war-bixintan ku saadaalin doonaa waxyaabaha la filayo in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu ku soo qaato khudbaddiisa.
Doorashooyinka.
…………………………..
Madaxweynaha Somaliland oo muddo xileedkiisa dastuuriga ahi ku egyahay 13-ka 11-aad ee sannadkan 2022-ka, ayaa la filayaa inuu khudbaddiisa ku soo qaato isla-markaana kaga hadlo doorashooyinka Madaxtooyada iyo Furista Ururrada siyaasadda oo ta la soo horraysiinayo khilaaf culus ka taagan yahay.
Madaxweynaha oo looga bartay inaaanu ka leexleexan waxyaabaha uu damacsan yahay, ayaa la saadaalinayaa inuu khudbaddiisa ku caddeeyo labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Furista Ururrada ta soo horraynaysa iyo xilliga rasmiga ah ee loo dareerayo.
Madaxweyne Biixi ayaa sidoo kale, la saadaalinayaa inuu khudbaddiisa kaga hadlayo in doorashada Madaxtooyada xilligeeda lagu qabanayo iyo duruufaha dalka ka jira awgood dib loo dhigayo, arrintaasi oo haddii ay sidaas noqoto ay dhalan karto in isaga loo sameeyo muddo-kordhinta ay Xisbiyada Mucaaradku diiddan yihiin.
Waxa kale oo Shacabku u dheg taagayaan in Madaxweynuhu uu khudbad-sanadeedkiisa dastuuriga ah uu ku caddeeyo inuu mar labaad Xilka Madaxweyne-nimo u sharraxan yahay, maaddaama oo muddo-xileedkiisii wakhti kooban ka hadhay, iyo inuu ka tanaasulayo Musharraxnimada isla-markaana uu fursadda siinayo Siyaasiyiinta kale ee Xisbiga KULMIYE.
Dhaqaalaha
…………………….
Khudbad-sanadeedka Madaxweynaha, ayaa waxa kale oo la saadaalinayaa inuu kaga hadlo xaaladda dhaqaale-xumo ee Somaliland xilligan ku jirto. Maaddaama oo uu dalku soo maray Abaar baahsan, taasi oo si weyn u saamaysay Xoolo-dhaqatada dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sida la saadaalinayo wuxuu ka hadli doonaa Khasaaraha Shacabka Somaliland iyo Ganacsatada soo gaadhay suuqii gubtay ee Waaheen, kaasi oo lagu waayay hanti gaadhaysa 2 bilyan oo dollar.
Siyaasadda Dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah
……………………………………………………….
Madaxweynaha ayaa khudbad-sanadeedk Dastuuriga ah ee sannadkan 2022-ka kaga warrami doonaa waxay Somaliland ka faa’iidday safarkii uu bishii saddexaad ee sannadkan ku tagay dalka Maraykanka, kaasi oo aan weli Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisu si faahfaahsan ugu soo bandhigin Rayul-caamka Somaliland.
Waxa kale oo sida la saadaalin karo hadalkiisa ka maqnaan doonin xidhiidhka caalamiga ah iyo waxa iska beddelay aragtida bulshada caalamiga ahi ka haysato Somaliland, maaddaama oo baarlamaanka UK uu dood ka yeeshay aqoonsiga Somaliland doonayso, sidoo kalena labad aqal ee Baarlamaanka Maraykankuna soo saareen qoraallo ku baaqaya in Maraykanku uu wax la qabsado Somaliland.
Arrimaha Gudaha.
………………………….
Sida la saadaaliyey, khudbadda Madaxweynaha ayaan waxaan ka madhnaan doonin siyaasadda arrimaha gudaha, amniga iyo dedaallada laamaha amniga Qaranka.
Gebogabo.
………………
Khudbad-sanadeedka uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Isniinta Berri jeedinayo, ayaa laga fahmi doonaa jihada Somaliland u socoto iyo nooca ay noqon doonaa isbeddellada la rejaynayo inay sannadkan gudihiisa ka dhacaan Somaliland, kuwaasi oo bulshada Caalamku ku qiimayn doonto Jamhuuriyadda Somaliland.
Arabsiyonews.om
Hargeysa Office









