Dawladda Maraykanka Oo Kor U Qaadday Meeqaamka Jamhuuriyadda Somaliland.

0

Washington (Arabsiyonews) – Dawladda Maraykanka, ayaa ka hadashay Meeqaamka ay siyaasad ahaan ka aaminsan tahay Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha dibedda Maraykanka oo hore u sheegtay inaan loo safri karin Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto, ayaa laga soo bilaabo bishii March ee sannadkan 2022-ka, waxay shaacisay in Somaliland tahay gaar ah oo ay ka jirto Dawlad dhulkeeda gacanta ku haysata.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa waxay Magaca Jamhuuriyadda Somaliland ku baahisay boggeeda Internet-ka, si la mid ah dawladaha la aqoonsan yahay ee Caalamka.

March 4, 2022, Wasaaradda Arrimaha Dibddda Maraykanku waxay boggeeda Internet-ka ku qortay in Somaliland ay tahay waddan gaar ah, waddankaas oo dawladnimadiisa  aanay aqoonsanayn dawlad ka mid ah dawladaha Qaramada Midoobay, balse dhulkeeda gacanta ku haysa isla-markaana maamulata.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimah dibedda Maraykanku waxay sheegtay in Somaliland bixiso viiso dal ku gal ah, leedahayna lacag u gaar ah iyo shuruuc.

Tallaabada uu Maraykanku qaaday, ayaa ka dambaysay codsi uu Madaxweyne Biixi u gudbiyey oo ahayd in Somaliland laga saaro derajada 4-aad oo ah derajo la siiyo Waddamada aan loo safri karin.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha dibedda Maraykanku waxay qoraalka ay baahisay ku sheegtay in Somaliland ay ka nabad-galyo wanaagsan tahay Soomaaliya.

 

Arabsiyonews.om

Hargeysa Office