Hayaada Khayriga ah Al-Raxma Oo Burco Ka Daahfurtay Mashruuc Biyo-dhaamis ah

0

Burco(Arabsiyonews):Haayada khayriga ah ee Al-Raxma iyo qaar ka mida gudiga abaaraha gobolka Togdheer ayaa magaalada Burco iyo nawaaxigeeda ka daahfuray mashruuc biyo dhaamis ah .

Gudiga abaaraha somaliland gaar ahaan masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo Haayada khayriga ah ee Al-Raxma oo iskaashanaya ayaa Gobolkaasi ka qaybinaya deeq biyo ah oo dhan 500 oo Booyadood iyo Taangiyada biyaha lagu kaydsado oo uu ku deeqay markaska boqor salmaan

Gudoomiyaha haayada khayriga ah ee Al-Raxma Sheekh Cabdala Maxamed Ibraahin iyo masuuliyiin kale oo haayadaasi ka socday ayaa si faahfaahsan uga waramay mashruucan biyaha iyo taangiyada loogu qaybinayo dadkii ay saamaysay abaaraha dalka ka dhacay

Arabsiyonews.com

Butco Office