Muslimiinta Dunida Oo Hal Maalin Wada Ciidaya Sanadkan

0

Hargeysa(Arabsiyonews):-Maxkamadda sare ee Sacuudiga iyo guddiyada hubinta bilashada Bisha ee Imaaraatka, Qatar iyo dalal kale oo Carbeed ayaa horey ugu dhawaaqay in Muslimiinta ku nool dalalkan ay u dabaal degi doonaan Ciidul Fidriga Isniinta May 2, 2022.
Wadamada Mareykanka, Ingiriiska, Canada iyo Dalalka Yurub ayaa ku tiirsan ku dhawaaqista bisha ee Maxkamadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Muslimiinta halkaas ku nool ayaa sidoo kale la ciidi doona dalalka Khaliijka.

Marka la eego in Muslimiinta ku nool India, Pakistan, Bangladesh, Sri Lanka iyo dalalka kale ee Koonfurta Aasiya ay isku diyaarinayaan inay raadiyaan bisha Shawaal – bisha cusub si ay u asteeyaan dhammaadka Ramadaan, berri oo ah May 1, waxaa laga yaabaa inay dhacdo xaalad naadir ah. Taas oo ah in Muslimiinta wadamadaasi ay fursad u helaan inay sanadkan Ciidul Fidriga kula ciidaan walaalahooda Muslimka ah ee ku kala nool Sacuudiga, Imaaraadka, Qatar, UK, USA, Somaliland, Soomaaliya iyo dalalka kale ee Khaliijka iyo kuwa reer galbeedka, haddii bisha laga arko berrito dalalka Koonfurta Aasiya.

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office