UK (Arabsiyonews) – Xildhibaan Kim Johnson oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa loo doortay xoghayaha Koox Xildhibaano ah oo kala Xisbiyo ah, balse ku midaysan in Dawladda UK ay aqoonsi diblumaasiyadeed siiso Somaliland.
Xildhibaan Kim Johnson waxay sheegtay Inay ku faraxsan tahay in loo doortay xoghayaha Kooxda ku midaysan Magaca APPG ee Baarlamaanka UK, iyaduna rejaynayso in xildhibaanadu ka shaqeeyaan sidii Somaliland u heli lahayd aqoonsi diblumaasiyadeed.
Xildhibaan Kim oo qoraal ku baahisay Twitter-keeda ayaa tidhi “Waxaan ku faraxsanahay in saaka la ii doortay xoghayaha ururka APPG ee Somaliland..”
Xildhibaanka oo hadalkeeda sii wadataa waxay tidhi “Waxaan rejaynayaa in APPGĀ ka shaqeeyo sidii loo heli lahaa aqoonsi diblomaasiyadeed..” ayay tidhi
Arabsiyonews.com
Hargeysa Offie









