Addis Ababa (Arabsiyonews) – Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka ah ee Itoobiya Abiy Axmed, ayaa loogu baaqay inuu dhamaystiro aqoonsiga Somaliland, maaddaama oo uu dhawaan Qunsulkii Hargeysa u joogay Itoobiya ka dhigay Safiir Buuxa.

Professor Beyene Pedros oo khudbad ka jeediyey Jaamacadda Addis Ababa wuxuu ugu baaqay Ra’iisal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed in uu dhamaystiro aqoonsiga Somaliland isla-markaana uu ku daydo, Ra’iisal-wasaarahii ka horeeyey ee Melez Zenawi.

Baaqan ayaa salka ku haya Dhukumanti ay Safaaradda Maraykanka ee Addis Ababa hore u soo saartay, kaasi oo muujinayey in Ra’iisal-wasaarihii Itoobiya Melez Zenawi oo u ololaynayey aqoonsiga Somaliland.

Shir uu Ra’iisal-wasaarihii hore ee Itoobiya uu la yeeshay Xoghayihii hore ee Maraykanka Phil Carter, ayaa waxa uu Meles u sheegay in uu aqoonsi qayb ah uu siinayo Somaliland, inta kalena looga baahan yahay in Beesha Caalamku buuxiso. Aqoonsigaas oo hadda uu Raysal-wasaare Abiy Axmed fulintiisa bilaabay, maaddaama oo uu Safiir buuxa ka dhigay Qunsulkii u joogay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Xilligaa hore, Melez Zenawi, waxa uu sheegay in aqoonsiga ku meel gaadhka ah, ay Somaliland u sahlayso taageerada beesha caalamka, sidoo kalena Somaliland u baahan tahay sidii loogu toosin lahaa habkii loo aqoonsan  lahaa.

Waxa kale oo Melez Zenawi uu u sheegay Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda Maraykanka Phil Carter, in marka la helo taageerada Afrikaanka, in markaas ay waajib ku tahay Maraykanka iyo Ingariiska inay qadiyadda Somaliland iyaga oo aqoonsan u gudbiyaan Yurub inteeda kale.

Raysal-wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa dhawaan safiir buuxa u soo magacaabay Somaliland, taasi oo loo fahmay inay qayb ka tahay fulinta qorshihii uu dhigay Raysal-wasaarihii ka horreeyay.

Ugu dambayn, Professor Beyene Pedros oo arrintan xasuusiyey Raysal-wasaare Abiy Axmed ayaa hadda ka mid ah Jaamacadda Addis Ababa, waxaanu hore uga mid ahaa aqalka Baarlamaanka ee Dawladda Federaalka Itoobiya.

 

Arabsiyonews,om

Hargeysa Office