Mucaaradka Kanada Oo Doonaya In Dawladdoodu Caawiso Dadkii Ku Xoolo Beelay Gubashadii Suuqa Waaheen.

0

Kanada (Arabsiyonews) – Dawladda Kanada, ayaa loogu baaqay inay Somaliland ka caawiso dib u soo kabashada dadkii ku caydhoobay dabkii baa’biiyey suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaridka Canada ee NDP Mr. Jagmeet Singh, ayaa sheegay in mas’uuliyadda saaran dawladda Kanada ay tahay sidii ay u caawin lahaayeen dadka hantidooda ay kaga baaba’day suuqa Waaheen ee Hargeysa.

Jagmeet Singh oo khudbad uu jeediyey, ka dib la kulmay jaaliyadda Somaliland ee magaalada Toronto, ayaa sheegay in uu masiibada suuqa Hargeysa uu kala hadli doono Ra’iisal-wasaaraha Kanada Justin Trudeau, maaddaama ay Masuuliyad tahay in Dawladda Kanada taageerto dadkii ku xoolo beelay gubashada Suuqa Waaheen.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office