Ra’iisal wasaaraha dalka Austria, Karl Nehammer ayaa noqonaya Ergaygii u danbeeyay dhowaanahan ee isku miidaamiya Moscow si uu Madaxweyne Putin ugala hadlo duullaanka cusub eek u waajahan Ukraine ayaa soo gabagabeeyay
Wadahadal adag ah oo uu Putin kula yeeshay Moscow saacadihii u danbeeyay.Vladimir Putin listens to a question at the end-of-year press conference in December 2017 / kremlin. Image file Araweelo News Network.
Karl Nehammer waa hoggaamiyihii ugu horeeyay ee ka socda reer Yurub oo booqda Moscow tan iyo markii ay bilaabantay colaada Ukraine, isagoo markii uu ka laabtay Moscow muujiyay in kulanka wadahadalka uu Moscow kula yeeshay Madaxweyne Vladimir Putin uu ahaa mid aannay ka muuqan wax rajo ah oo la taaban karo.
Laxidhiidha: Ukraine: Duullaanka Kama Danbaysta Ah Ee Ruushka Oo Putin Ku Macneeyay Dagaal Rasmi Ah
Ra’iisal wasaaraha Austria, Karl Nehammer booqashadiisa Isniintii ee Moscow, ayaa ka dhigay inuu noqday hoggaamiyihii ugu horeeyay Yurub ee booqda Moscow oo la kulmo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ukraine 24-kii February.
Nehammer ayaa ugu yeedhay wadahadalada dhexmaray isaga iyo Madaxweynaha Ruushka Putin oo uu kula kulmay gurigiisa oo ku yaala xaafadda Novo-Ogaryovo ee Moscow, ay ahaayeen kuwo toos ah, isla markaana ahaa kuwo furan oo adag oo waqti qaatay.
Ra’iisal wasaaraha Austria ayaa carabka ku adkeeyay in safarkaasi aannu ahayn mid booqasho saaxiibtinimo, isaga oo intaa ku daray in uu lasoo qaaday arrimaha dambiyada dagaal ee ka dhacay Bucha iyo meelo kale, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in dhammaan kuwa mas’uulka ka ah lala xisaabtami doono,” sidaa ayuu u sheegay warbaahinta Austria.
Nehammer waxa uu sheegay in uu kasoo baxay wada-hadallada isaga oo aan lahayn wax rajo ah, iyadoo booqashadiisu Moscow ku beegantay, xilli millateriga Ruushka ay isku diyaarinayaan duulaan cusub oo ay ku qaadaan bariga Ukraine.
“Dagaalkan waxaa lagu qaadi doonaa si xooggan,” ayuu yidhi, isagoo ugu baaqay dadka rayidka ah ee ku sugan deegaannada lagu dagaalamay inay ka baxsadaan dagaallada.
Ra’iisal wasaaraha Austria ayaa sidoo kale sheegay in uu Putin u sheegay in cunaqabataynta ay sii jiri doonto oo ay xataa kordhin doonto ilaa iyo inta Ukraine la dilayo
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office









