Hargeysa (Arabiyo) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Sheekh Aadan-Sunne oo ka mid Culimada Caanka ah Somaliland, kaasi oo Maalmihii u dambeeyay la waayay meel uu Jaan iyo Cidhib dhigay.
Wasiir ku-xigeenka amniga ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Cabdillaahi Maxamed Xuseen oo Shalay Saxaafaddu waydiisay halka ay ku ogyihiin Sheekh Aadan-sunne iyo Qoyskiisa, ayaa sheegay inuu u guuray Dalka Soomaaliya, Wasaaradda Arrimuhuna ogtahay halka uu kaga sugan yahay Dalkaasi.
Wasiir ku-xigeenka Amniga oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Sheekh Aadan-sunne isagaa ka guuray Magaalada Hargeysa, Cid Alaale iyo Cid xidhay ma jirto, Cid afduubtay ma jirto, Cid amaankiisa wax u dhintayna ma jirto, isagaa Iskii u tagay, isagaa Qoyskiisa rartay, halka uu u guurayna Wasaaradda Arrimaha guduhuna way ogtahay halkuu u guuray iyo halka uu hadda ku sugan tahay, waxaase jira baadhitaan oo laamaha amnigu wadaan, war-bixin dhamaystirana waanu ka soo saaraynaa, Ciddii kalkaalisayna war-bixinteeda waanu soo gudbinaynaa..”
Wasiir ku-xigeenku wuxuu sheegay “Sheekh Aadan-sunne wuxuu u guuray Soomaaliya, Wasaaradda Arrimaha guduhu way ogtahay halka uu ku sugan yahay..” ayuu yidhi, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha ee amniga.
Arabsiyonews.com/Hargeisa Office









