USA (Arabsiyo) – 9 Xildhibaan oo Maraykan ah, ayaa Warqad u qoray Xoghayaha Arimaha Dibrda ee Dawladda Maraykanka.
Xildhibanadda ayaa Maamulka Madaxwayne Joe Biden ugu baaqay inay Xoojiyaan Xidhiidhka Maraykanka iyo Somaliland oo ay sheegeen inay Boqcad Mihiima ku Taalo.
“Waxaan warqad u qornay inaan ku boorinno Maamulka Biden inuu ka fiirsado kordhinta iyo sii wadida xiriirka qotoda dheer ee kala dhexeeya Somaliland, arrimaha ku saabsan danaha dublamaasiyadeed, dhaqaale iyo amni,” ayay xildhibaannadu qoreen.
Xildhibaannada oo faahfaahinaya ujeeddada ay warqadda u qoreen ayaa sheegay “Somaliland, waa Goob ku talaa Bogcad juquraafi ahaan Mihiim ah..”
Warqadda lagu faahfaahiyey Qoraalka ay Xildhibaannadani u gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka, ayaa waxa ku saxeexnaa Michael McCaul oo Socda Xisbiga Republican iyo Chris Smith
Hadalka Xildhibaannada ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweynaha JSL safar ku joogo dalka Maraykanka.









