Muqdisho (Arabsiyo) – Dawladda Soomaaliya, ayaa la sheegay inay isku dayday inay carqaladayso safarka uu Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga uu hoggaaminayaa ku tageen Maraykanka.
Sida ay sheegayaan ilo-wareedyo diblomaasiyadeed oo arrintan la xidhiidha, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Qadar,, ayaa la sheegay inuu dawladda Qatar ka dalbaday inay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ku qanciso dal-ku-galka Maraykanka ay u diidaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftigiisa.
Ilo-wareedka ayaa intaa ku daraya in codsiga uu Farmaajo u gudbiyay Amiirka Qatar booqashadii ugu dambeysay ee uu ku tagay Qatar ay timid kadib markii Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ay Safaaradaha Gobolka ee Maraykanka u dirtay baaqyo ah in Madaxda Somaliland loo diido Fiisaha Maraykanka, balse ay ku guuldareysteen.
Warku wuxuu intaa ku daray, Amiirka Qadar aanu Farmaajo ka hoos qaadin codsiga uu u gudbiyey ee ah inuu Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanka ku qanciyo inaan Fiisaha Maraykanka la siinin Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiisa oo ka kooban Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Deegaanka, Ganacsiga, Arrimaha dibedda iyo Xubno ka tirsan Ganacsatada waaweyn ee Somaliland sida Maamuleyaasha Shirkadaha Telesom, SOMTEL , SOMCABLE, Weftigaasi oo shalay gelinkii dambe ka dhoofay Hargeysa, Maantana gaadhay Washington.
Warkan oo ay baahisay Shabakadda Somalilandchronicle.com, ayaa Intaa ku daray in codsiga uu Farmaajo u gudbiyey Amiirka Qatar ka sokoow, dowladda Soomaaliya ay si toos ah ula xidhiidhay safaaradaha Marakanka ee Jabuuti, Kenya iyo sidoo kale wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka si ay u uga hortagto fiisaha Maraykanka ee Madaxweyne Biixi iyo xubnaha wefdigiisu ku tageen Maraykanka.
Dagaalka siyaasadeed ee Maamulka Muqdisho ku qaaday Weftiga Jamhuuriyadda Somaliland, haddana Xukuumadda Somaliland waxay xaqiijisay in Xubnaha Weftiga, gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta ay ku tageen Washington Baasaaboorka Somaliland oo lagu dhuftay Fiisaha Maraykanka.
Ugu dambayn, Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa isku dayday inay khalkhal geliso oo ay go’doomiso Somaliland dhaqaale ahaan iyo diblomaasiyad ahaanba, waxayna la safatay Shiinaha oo si adag uga soo horjeeda xidhiidh diblomaasiyadeed oo Somaliland ay la yeelatay Taiwan.
Dawladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa cambaareeyey xidhiidhka diblumaasiyadeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Taiwan oo ay ku tilmaameen mid xad-gudub ku ah madax-banaanida dhulkooda.









