Soomaaliya: Dad Ku Dhintay Dagaal Maanta Ka Dhacay Madaxtooyada

0

Beledweyne (Arabsiyo) – Dagaal ayaa saaka ka dhacay Afaafka hore ee aqalka Madaxtooyada ee Maamul-gobolleedka Soomaaliya ee Hir-shabeelle.

Inta la xaqiijiyay 2 Qof ayaa ku dhintay, 3 kalena way ku dhaawacmeen dagaalka oo muddo kooban ka socday Afaafka hore ee Madaxtooyada Hir-shabeelle ee Magaalada Beledweyne.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dagaalkan Maanta ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay ee sababay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca iyo cidda uu u dhaxeeyay dagaalku.

Xerada Lamagalaay waxaa ku yaalla aqalka madaxtooyada Hir-shabeelle, kan maamulka gobolka Hiiraan iyo hoolka lagu qabanayo doorashada kuraasta Golaha shacabka, waxaana ku wada sugan gudaha xeradaasi boqolaal ciidan oo ka kala amar qaata madaxda Hir-shabeelle, Xildhibaanada wakhtiga ka dhamaaday iyo kuwa isbeddel-ddoonka ah.

Dagaalkan ayaa imaanaya xili saacadahii la soo dhaafay uu cirka isku sii shareeray khilaaf u dhaxeeya Madaxweynaha Hir-shabeelle iyo ku-xigeenkiisa, kuwaas oo isku fahmi waayay hanaanka loo maamulayo doorashada 11-kursi oo ka hadhsan kuraasta Beledweyne taalal ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Arabsiyo News/Hargeisa Office