Hargeysa (Arabsiyo) – Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka soo horjeestay qorshaha Xukuumadda Somaliland ku doonayso Furista Ururrada iyo in doorashada Madaxtooyada ka dambayso ta Ururrada.
Cirro oo ka jawaabayey hadal uu Maanta Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku sheegay in doorashada Ururrada siyaasaddu ka soo horraynayso doorashada Madaxtooyada, ayaa sheegay in doorashadu Madaxtooyadu tahay ta koowaad ee dalka ka dhacaysa sannadkan 2022-ka.
Cirro oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Xisbiga WADDANI ee Magaalada Hargeysa, ayaa yidhi “Shacbiga Somaliland waxaan u sheegaya in doorashadii Madaxtooyadu ku muddaysan tahay 13 November, 2022, cid ku muransani ma jirto, cid ku murmi kartaana ma jirto, waxa galaya oo sharci ah saddexda xisbi qaran ee hadda jira” ayuu yidhi Cabdiraxmaan-Cirro.
Cirro ayaa sheegay in hadda doorashada Madaxtooyada oo keliya ay diyaar tahay “Doorashada Madaxtooyada Somaliland, waa doorashada kaliya ee ay u dhan yihiin, xeerkii lagu maamuli lahaa, farsamadii iyo Miisaaniyaddii lagu hirgalin lahaa, sidaa darteed labada doorasho ee kale, doorashada axsaabta qaranka iyo golaha guurtidu way ka dambaynayaan doorashada Madaxtooyada”.
Cirro waxa kale oo uu sheegay “Diwaangelinta ururrada waxa loo raacayaa Xeer Lr 14/2011, Ururrada buuxiya Liisan ku meel-gaadh ah ayaa la tartami doona Axsaabta Qaranka doorashada Madaxtooyada ka dib, marka loo diyaariyo Xeer lagu Maamulo doorashadaas oo aan hadda jirin, kala horraynta doorashooyinku maaha arrin u taalla Madaxweynaha, arrin Aniga u taallana maaha, Arrin Cid kale u taallana maaha, Xeerarka iyo Dastuurka Qaranka ayaa loo raacayaa dhammaan doorashooyinkaas. Maamulka Doorashooyinka waxa isla leh Guddiga doorashooyinka Qaranka, ma jiraan Xisbiyo noqonaya Ururro, mana jiraan Ururro ka qayb-galaya doorashada Madaxtooyada, Xisbiyada Qaranku waxay leeyihiin muddo jiritaan oo Qaanuuniya taasi oo ah 10 sanadood, Cid awood u leh inay Hal Maalin ka dhinto ma jirto, sida aan looga dhimi karin Maalmo muddo-xileedka Madaxweynaha oo ah shan sanadood..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maaha markii ugu horraysay ee dalka laga qabto Tartanka Axsaabta iyo Ururrada siyaasadda, sannadkii 2012 Anigu waxaan ka mid ahaa Ururradii is-diwaangeliyey, waxaana is-diwaangeliyey 15 Urur, waxa xilligaa Shuruudihii buuxiyey 5 urur, Axsaabta Qaranka ee jirtay ma noqonin Ururro , waxayna kala ahaayeen KULMIYE, UCID iyo UDUB, Xeerkuna wuxuu tilmaamayaa inay tartamayaan Axsaab iyo Ururro..”
Musharraxa Madaxweynaha WADDANI wuxuu Madaxweynaha ku eedeeyay inuu awooddii qabashada doorashada iyo Maamulkeedii ku wareejiyey Ciidamamda “Waxa layaab leh in Madaxweynuhu uu Shalay Awooddii doorashada iyo Maamulkeeda ku wareejiyey Ciidammada Qaranka, isagoo sidaas ka hor sheegay Saraakiil oo uu u soo xidhayey Tababbar, taasi waxay u muuqataa Tallaabadii u horraysay ee Xukuumadda Muuse kaga guuraysay Hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka xorta iyo Xalaasha ah, wuxuu ku tiraabay Saraakiisha hortooda in Ciidanku maamulayaan Ololaha Xisbiyada, in Ciidanku Maamulayaan Doorashooyinka, in Ciidanku Maamulayaan Cadaaladda Sanaaduuqda doorashada iyo doorashada ka dib, Cadaaladda asnaaduuqda waxa uu xeerku siiyey Guddiga doorashooyinka, Ciidammada Qaranka doorkoodu waa ilaalinta amaanka doorashooyinka iyo Sanaaduuqda Doorashooyinka. Xeerarka iyo Dastuurku waxay Ciidammada ka reebayaan inay ku milmaan siyaasadda..”









