UKRAIN: 141 Dawladdood Oo Soomaaliya Iyo Jabuuti Ka Mid Yihiin Oo Cambaareeyay Weerarka Ruushka

0

Hargeysa (Arabsiyo) – Dawladaha Soomaaliya iyo Jabuuti, ayaa ka mid noqday 141-ka waddan oo caalamka ka tirsan, kuwaas oo u codeeyay qaraar lagu cambaareynayo duulaanka Dawladda Ruushka ku qaaday Ukraine.

Codeynta ayaa dhacday xilli uu socday kalfadhi gaar ah oo ay yeesheen golaha guud ee Qaramada Midoobay Maanta.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in si deg-deg ah dhammaan ciidamada Ruushka looga saaro dhulka Ukraine.

Afar waddan ayaa Ruushka ku biiray codeynta ka dhanka ah qaraarka, waxayna kala yihiin – Belarus, North Korea, Eritrea iyo Syria, halka 35 waddan oo kalena ay ka aamuseen  Qaraarkan cambaaraynta ah.

ImaaraadkaCarabta iyo Israa’iil oo ah labada saaxiib ee Mareykanka oo hore loogu dhaliilay inay diideen inay ka hadlaan duulaanka Ruushka, ayaa sidoo kale doortay inay u codeeyaan qaraarkan Cambaaraynta ah.

 

Arabsiyo News/Hargeisa Office