Hargeysa (Arabsiyonews) – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa Magaalada Hargeysa ka bilaabay kulamo uu la yeelanayo Waxgaradka Gobolka Sool, Hal-doorka iyo Siyaasiyiinta ay isku aragtida yihiin.
Kulamadan oo bilaabay oo Caawa oo Jimce ah, ayaa ilo-wareedyo Xog-ogaal ahi Warbaahinta Arabsiyo News u sheegeen, waxay salka ku hayaan Qorshe uu Guddoomiye Khaliif wado, kaasi oo ah inuu dhawaan Furto Urur-siyaasadeed, maaddaama oo Maxkamadda sare go’aamisay in Ururrada siyaasaddu furan yihiin, Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixina sheegtay in Diwaangelinta ururrada siyaasadda la bilaabay bisha May ee sannadkan 2022.
Warku wuxuu intaa ku darayaa, in Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed uu kulamada ugu talo-galay inuu Talooyin ku urursado, dadka ay isku aragtida yihiina siiyo wakhti ay kaga fikiraan arrintaasi.
Cabdirisaaq Khaliif oo doorashadii Golaha Wakiillada uga qayb-galay Xisbiga WADDANI, kana mid noqday Xildhibaannadii ka soo baxay Gobolka Sool, ayaa Ilo-wareedyadu waxay sheegeen inuu doonayo inuu ka faa’idaysto fursadda Furista Ururrada siyaasadda, maadaama oo hore Gobolka Sool oo uu ka soo jeedaa u lahayn Urur siyaasadeed, balse ay ku kala jiraan uun saddexda Xisbi Qaran ee WADDANI, KULMIYE iyo UCID, kuwaasi oo ka mid ahaanshaha ka sakow aanay wax saamayn ah ku lahayn Jaangoynta siyaasadaha Masiiriga ah.
Khaliif, ayaa ka mid ah Saaxiibbada waaweyn ee Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhawaan loo caleemo-saaray Guddoomiye-nimada Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.
Laakiin, haddii qorshahani rumoobo, ma noqon doonto markii koowaad ee Siyaasi ah Guddoomiye Baarlamaan uu Somaliland kaga dhawaaqo Urur Siyaasadeed, balse waxay noqon doontaa Markii labaad, maaddaama oo Musharraxa WADDANI ee Xilligan Cabdiraxmaan-cirro uu Xisbigaas aasaasay isagoo ah Guddoomiyaha Golihii Wakiillada ee hore.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








