Itoobiya Oo Wax Weyn Ka Beddeshay Siyaasaddeedii Somaliland

0

Addis Ababa (Arabsiyonews) – Wakiilkii Dawladda Federaalka Itoobiya u joogay Somaliland Siciid Maxamed, ayaa loo dalacsiiyey Safiir buuxa, taasi oo ka dhigan in Dawladda Itoobiya ay Qunsuliyaddeedii Hargeysa u beddeshay Safaarad buuxda.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa Arbacadii Shalay wareegto ay ka soo saartay Magaalada Addis Ababa waxay ku magacowday illaa 27 Danjire oo cusub, kuwaasi oo ay ku jiraan Jeneraalo ciidan, halka Diblumaasiyiin Wakiillo ku Magacownaana loo dallacsiiyey Safiirro buuxa.

Diblomaasiyiinta u dallacay Safiirrada buuxa, ayaa waxa ka mid ah laba danjire oo Soomaali ah; kuwaasi oo uu ka mid yahay Qunsulkii Itoobiya u joogey magaalada Hargeysa Siciid Maxamed Jibriil, kaasi oo hadda laga bilaabo noqonaya safiir buuxa oo Dawladda Itoobiya u jooga Safaaraddeeda Hargeysa.

Tallaabada ay qaadday Madaxweynaha Dawladda Itoobiya, ayaa waxa soo dhaweeyay Dadka fallanqeeya siyaasadda Geeska Afrika, waxayna sheegayaan in arrintani muujinayso sida Addis Ababa u beddeshay siyaasaddeedii ku waajahnayd Somaliland, halka falanqeeyayaasha qaarkoodna tallaabadan ku macneeyeen Aqoonsi aan toos ahayn.

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office