Maxkamadda dastuuriga ah ee Somaliland ayaa maanta 16 January 2022 soo saartay natiijada dacwaddii muddada laga dhowrayey ee la xidhiidhay xukunka dhaqangalnimada waxkabeddelka iyo kaabista xeer 14/2021. Kaas oo baarlamaanka khilaaf weyn ka dhex abuuray, xukuumadda iyo mucaaradkuna isku maandhaafeen.
Qaraarka ay maxkamaddu soo saartay nuxurkiisu waa:
1. In aanay aqbalin dacwaddii xildhibaannada wakiilladu u gudbiyeen ee la xidhiidhay, dhaqangalnimada waxkabeddelkii tirsigiisu noqon lahaa xeer. 14/2021. Taas beddelkeeda waxa ay maxkamaddu qaraarkeeda ku salaysay oo ay qaadatay dacwaddii ay 2 January 2022 u gudbiyeen muwaadiniintii xisbi furista u ololaynayey ee dacwadda u geeyey maxkamadda.
2. Qodobka labaad waxa ay ku caddaysay in xeerkii khilaafka dhaliyey ee 14/2021 aanu dhaqangal ahayn sidii xukuumadda iyo xildhibaannada dacwooday qabeen. Waxa aanay caddaysay in xeerka dhaqangalka ahi yahay xeer lr. 14/2011 oo la sameeyey xilligii madaxweyne Siilaanyo markii loo diyaargaroobayey doorashooyinkii 2012 ee ururrada iyo dawladaha hoose.
3. Maxkamaddu waxa ay laashay ‘doorashada kala saarista ururrada iyo xisbiyada siyaasadda oo dabcan sannad wax ka yari u hadheen xisbiyada’ in lagu dabro ‘doorashada goleyaasha deegaanka ee ay hore u raacsanady’ laakiin imika ku dhowaad shan sano u hadhsanyihiin maadaama oo gaar loo doortay may 2021.
4. Waxa ay sheegtay in kala reebista xisbiyada iyo ururrada loo raacayo xeerkii hore ee 14/2011, taas oo xoojin uun u ah qodobka koowaad ee caddaynaya in xeerkaasi dhaqangal yahay, oo kii dambe laga tegey.
5. Waxa ay sheegtay in la dhammaystiro diiwaangelinta ururrada siyaasadda si waafaqsan xeer 14/2011, kaas oo mar kale adkayn uun u ah qodobka koowaad.
Xeer 14/2011 ayaa dhigayey in ururrada siyaasadda la furo 10 sanaba mar, laakiin diiwaangelintoodu bilaabato lix bilood ka hor doorashadooda.
FG:
1. Qaabka uu u ereyeysan yahay qoraalka qaraarka Maxkamadda waxaa ka muuqda diblumaasiyadayn badan, waxaana ka dhalan kara in dadka qaar aanay sidaas u wada fahmin.
2. Waxaa qasab noqonaysa in golaha wakiillada uu dib ugu noqdo wax-ka-beddelka xeerkii 14/2011 si ay u waafajiyaan qaraarka maxkamadda iyo isla markaana u dhigaan qaab doorashada xisbiyada loogu qaban karo, oo tusaale ahaan ay ka mid tahay in doorasho toos ah ay xisbiyadu ku soo baxaan.
W/Q Kamaal Marjaan