Hargeysa(Arabsiyonews):-Maxkamda Sare ee JSL ayaa maanta Go,aan Kasoo saartay Xeer 14 oo Mudaba horyaalay Maxkamada kaasi oo khilaaf xoogan ka dhex abuuray Asxaabta mucaaridka & Xukuumada

ka dib natiijada Maxkamada kasoo baxday waxaa war qoraal ah oo lagu baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook kaga hadlay  Go,aankaasi Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Waddani Xirsi Cali X.Xasan  waxaanu yidhi.

Waxaan soo dhaweynayaa qaraarka Maxakamadda Dastuuriga ahi ay dib ugu celisay dacwaddii xildhibaannada. Taas oo sidii aannu horeba u sheegnay ahayd mid waddadeedii sharci laga duway. Waxaa kale oo aan waafaqsanahay dhaqangalka Xeer Lr 14/2011, kaas oo golihii hore soo saaray kuna saxeexanyahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Madaxweynihii hore ee JSL Axmed Maxamed Siilaanyo.
Nuxurka Qaraarka Maxakamadda:
1. Dacwaddii 46ka xildhibaan way laashay.
2. Waxay ayidday xeerkii dhaqangalka ahaa.
Waa Ilaahay mahaddii, waxaanan u arkaa in Maxakamaddu ka joogsatay shirqoolkii laga soo abaabulay Madaxtooyada ee sharcidarrada ahaa. Mar kastana waxaannu diyaar u nahay in aannu u hoggaansanno Shuruucda dalka, Maxkamaddana waan ku bogaadinayaa in ay sharciga ilaaliso, shaqadeedana ku ekaato.
Waa guul, waxaanan leeyahy dhammaan taageerayaasha Waddani iyo guud ahaan bulshadda Somaliland: Sharcigaa inoo ballan ah.” Ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Waddani
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office