Diblumaasiyiin Maraykan Ah Oo Sharad Ku Galay Doorashooyinka Somaliland Iyo Soomaaliya, Ta Wakhtigeeda Lagu Qabanayo

0

Hargeysa (Arabsiyonews) – Diblumaasi Maraykan ah, ayaa su’aal geliyey Somaliland iyo Soomaaliya ka doorashadeeda Madaxtinimada xilligii loo qorsheeyay ku qaban karta.

Timbor Nagy oo soo noqday Safiirkii Maraykanka ee Dalalka Itoobiya iyo Gini, ayaa qoraal uu ku baahiyey Barta uu ku leeyahay Twitter-ka, wuxuu isku waydiiyey inay jirto Cid ‘Shuruud ku galaysa’ Somaliland iyo Soomaaliya ka wakhtigii loo qorsheeyay ku qaban kara doorashada Madaxtinimada.

Amb. Nagy wuxuu sheegay in doorashada Madaxtinimada ee Soomaaliya markii hore loo qorsheeyay bisha koowaad ee sannadkii dhamaaday ee 2021, balse aanay doorashada Soomaaliya qabsoomin, taasi oo ka dhigan in Soomaaliya ku dhex jirto wuxuu ugu yeedhay ‘Ciyaar’

Sidoo kale, Ambassador Timbor Nagy wuxuu isla qoraalkaasi su’aal iskaga waydiiyey in Somaliland dhaami doonto Soomaaliya oo ay doorashada Madaxtinimada xilligeeda ku qaban doonto, maaddaama oo doorashada Madaxtooyadu ku muddaysan tahay bisha November ee sannadkan 2022-ka.

“Ma jiraa qof doonaya inuu sharad ku galo cidda hor dhamaystiri doonta doorashadeeda Madaxtinimadda (oo wakhtigeeda ku qaban karta)..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Ma Soomaaliya oo doorashadeedii (Dib u dhacday) loo qorsheeyay bishii February 2021, mise (Waxa wakhtigeeda ku qaban doonta) Somaliland oo doorashada loo muddeeyey inay qabsoonto bisha November..” ?

Nagy oo isla su’aasha qoraalkiisa ku jirta ka jawaabaya, ayaa sheegay in Soomaaliya ay ku jirto ciyaar ama Mujaajilo “Mujaajilada Muqdisho (Soomaaliya) waa ay socotaa..”

 

 

Safiirkii hore ee Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Saaxil ee Afrika iyo Gobolka Harooyinka waaweyn, Amb. Peter J. Pham oo ka fal-celiyey Su’aasha uu iswaydiiyey Timbor Nagy, ayaa sheegay inaan loo baahnayn in doorashada Soomaaliya lagu sheego ‘Doorasho’, maaddaama buu yidhi ay Ergooyinka la soo xulay ee dooranaya Dadka Baarlamaanka ka qayb-galaya ay codkooda ka dhiibanayaan tartamayaasha “Kaliya waxaan geli doonaa sharadka, haddii aad Adigu dooratid Soomaaliya, Aniguna aan haysto Somaliland..”ayuu yidhi, waxanu intaa ku daray “Laakin aan joojino in wax kasta oo Muqdisho ka dhaca aynu doorasho ku sheegno, maadaama oo ergooyin la soo xulay ay codadkooda iibinayaan..”

 

 

 

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here