Hargeysa(Arabsiyonews):-Xildhibaan C/Rashiid Nuur Wacays oo ka mid ah mudanayaasha golaha degaanka degmada Berbera, ayaa qaybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ka xaal maalmariyay, hadal uu duqa degmada Berbera, mudane Cabdishakuur Maxamuud Cidin, uu ku duray bulshada magaaladaasi.
Xidhibaan Cabdirashiid waxa uu xusay in bulshada reer Berberi yihiin, dad shaqeysta oo muruqooda maala.
Xildhibaanku waxa uu bulshada reer Berbera ku sifeeyay dad xariir ah, oo aan ciddna shaxaadiin, cidna wax weydiisan.
Xildhibaan Cabdirashiid Nuur Wacays waxa uu sidan ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa xidhiidhka bulshada ee Facebook.
Waxaanu yidhi.”Dadka reer Berberi maaha dad wax shaxaada, ee waa dad shaqaysta, oo xoogooda aaminsan.
Waxaanaan hadalka maayirka u arkaa mid mee lka dhac ah, oo uu ku xajiimaynayo dadka xariirta ah ee reer Berbera.
Xaal baanaan ka siinayaa mujtamacaa dhan ee sheekh iyo shariifba leh een naga mutaysan cambaarayn iyo ceebayntoona.”
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








