USA (Arabsiyonews) – Safiirkii hore ee Dawladda Maraykanka u qaabilsanaa Gobolka Saaxil ee Afrika iyo sidoo kale Ergayga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsnaa Gobolka Harooyinka waaweyn Dr. J. Peter Pham, ayaa ka hadlay Xaaladda xilligan Soomaaliya ka taagan oo Salka ku haysa muran ka dhashay doorashooyinka dib u dhacay iyo doorashooyinkii isku-sidkanaa ee ka dhacay Somaliland sannadkan dhamaadka ah.
Dr. J. Peter Pham oo Qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay Twitter-ka, ayaa sheegay in Somaliland ay xaqiijisay Doorasho Qof iyo Cod ah iyo weliba in Xisbiyada Mucaaradka ahi ka guulaysan karaan Muxaafidka, taasi oo tilmaan u ah Heerka Nidaamka Dimuqraadiga ahi ka gaadhay Somaliland.
Even if they "deescalate," #Somalia🇸🇴's so-called leaders have already succeeded by holding onto power despite terms that expired nearly a year ago. @SakariyeDhegnas & @maxbearak write that "even the indirect election may take months to get underway."https://t.co/KWkzOX4deV
— Dr. J. Peter Pham 🇺🇲 (@DrJPPham) December 28, 2021
“Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaysay in aanay suurto-gal ka ahayn oo keliya Doorasho Qof iyo cod ah, balse xisbiyada mucaaridku ay xataa u guulaysan karaan sidii ay ku guulaysteen tartankii doorashada Golaha Sharci-dejinta ee sanadkan..”
Ambassador Pham oo taa barbar-dhigaya Xaaladda ka taagan Soomaaliya, ayaa sheegay in Madaxweynaha wakhtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo kuwa la midka ah ee Xamar joogaa aanay doonayn in doorasho la qabto “Madaxweyne Farmaajo oo hore u ahaa Muwaadin Maraykan ah iyo kuwa la mid ah ee Xamar joogaa ma doonayaan doorasho..”ayuu yidhi.
Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








