Hargeysa(Arabsiyonews):-Musharraxa Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa gurigiisa ku qaabilay Mr Michael Rubin oo ka mid ah Saaxiibada waaweyn ee ay Jamhuuriyadda Somaliland leedahay, isla markaana ka tirsan Khabiirada Machadka American Enterprise Institute.
“ Waxa aan ka wada hadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xaaladda mandaqadda Geeska Afrika, iyo sida oo kale arrimaha doorashooyinka Somaliland oo ay ugu muhimsan tahay in Doorashada Madaxtooyada xilligeedii lagu qabto ,”
Ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cirro

Arabsiyonews.com
Hargeysa Office








