Xukuumada Somaliland Oo Soo Badhigtay Dhaqaalaha Doorashada Sanadka 2022ka

0

Hargeysa(Arabsiyonews):-Wasiirka maaliyada Somaliland ayaa sheegay in miisaanyada 2022 lagu daray qarashka doorashooyinka dhici doona sanadka cusub e 2022 .

Wasiir Sacad ayaa hadalkan ka sheegay xili uu maanta Golaha wakiilada ka hor akhrinayey adarooska Miisaaniyad sandeedka 20222ka

Wasiirka maaliyada ayaa sheegay in 28 bilyan ay ugu talo galneen Doorashooyinka Soo socda ee sanadka 2022

Wasiirka Maaliyada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa xusay in Doorashooyinka soo socda ay inta badan ay bixin doonaan wadamada Somaliland ka taageera geedi socodka Dimuqraadiyada waxaanu yidhi

“Beesha caalamka ayaa qarashka doorashooyinkaas bixin doonta 75 % halka Somaliland ay bixin doonto 25 %”

Hadalka wasiir Sacad ayaa ku soo Beegmaya  xili asxaabta mucaaridku ku celcelinayaan in Xukuumada Madaxweyne Biixi ay qorsheynayso mudo korodhsi

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office