MUQDISHO(Arabsiyonews):-Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa jawaab cad ka bixiyey shaqo ka joojintii xalay saqdii dhexe ku sameeyey Farmaajo ,
War qoraal ah oo lagu daabacay dagelka Facebook ee Tv-ga afka dawlada Soomaaliya Ku hadla waxaana lagu yidhi:-

Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah.
Arabsiyonews.com
Muqdisho Office









