Hargeysa, – (Arabsiyonews)- Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ka aqbalay is-casilaaddii uu shalay u gudbiyay Baashe Cawil Xaaji Cumar ee ahayd xilka Wasiir Xigeenka Khaarajiga isaga oo Madaxweynuhu isla maantaba xilkaasi u magacaabay Wasiir ku xigeenkii warfaafinta ee uu Khamiistii xilka ka qaaday Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Digreeto mar dhawayd ak soo baxday Xafiiiska Madaxweynaha ayaa lagu yidhi sidan:

“Wareegto Madaxweyne: 04/09/2021

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-711/092021 uu kaga Aqbalaad Is-casilaadii uu hore u soo gudbiyey Baashe Cawil Cumar, kuna Magacaabay bedelkiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: AQBALAAD IS-CASILAAD

Ku: Baashe Cawil Cumar

Mudane,Waxa i soo gaadhay qoraalkaaga ku taariikhaysan 02/09/2021, ujeeddadiisuna tahay is-casilaadda xilkii laguu magacaabay ee Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah. Sidaa darteed, waxa aan kula socod-siinayaa in aan kaa aqbalay is-casilaaddaa laga bilaabo taariikhda maanta. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka iyo hawlihii aad u qabatay Qaranka.

UJEEDDO: MAGACAABID

Waxaan Go’aansaday;

In Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Arabsiyonews.com

Hargeysa Office