Hargeysa(Arabsiyonews):-Wefti ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya, ayaa booqasho ku jooga Somaliland,kuwaasi oo u socda sidii loo dhammaystiri lahaa Xafiiskii Qunsuliyada ee Kenya ku yeellanayso Somaliland.

Sidaasna waxa daabacay Wargeys Business Week, oo ay  soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA , ayaa sheegay in weftiga Kenya ka socday oo afartii maalmood ee la soo dhaafay ku sugnaa Somaliland ay gabogabeynayeen qorshii Kenya ku noqon lahayd dalkii saddexaad ee Afrikaan ah ee Qunsuliyad ka furta Somaliland, iyadoo ay hore Xafiisyo ugu lahaayeen Jabuuti iyo Itoobiya.

Xafiiska dawladda Kenya ka furanayso magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland oo hore loo furi lahaa bishii March, ayaa u hakaday fiditaanka xannuunka COVID 19.

Wargeyska Business Week waxa uu sheegay inay weftiga Kenya ay u socdeen meelmarinta is-afgaradkii ay Nairobi ku yeesheen Bishii December ee kal-hore Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Kenya ee la xidhiidhay inay kor u qaadaan cilaaqaadkooda oo ay ka mid ahayd inay xoojiyaan xafiisyada labada dal ay ku kala leeyihiin Nairobi iyo Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa socdaal taariikhiya ku tagay dalka Kenya bishii December 2020kii, waxaanay wadahadal yeesheen madaxweyne Uhurru Kenyata.

Arasiyonews.com

Hargeysa Office